Xoghayaha arrimaha dibada Britain oo yimid Muqdisho

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ku qaabilaya xoghayaha arrimaha dibada Britain Boris Johnson. [Xigashada Sawirka: Radio Muqdisho]
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ku qaabilaya xoghayaha arrimaha dibada Britain Boris Johnson. [Xigashada Sawirka: Radio Muqdisho]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Xoghayaha arrimaha dibada dalka Britain ayaa maanta oo Arbaco ah yimid caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xarunta madaxtooyada (Villa Soomaaliya) ku qaabilay Xoghayaha arrimaha dibada Britain Boris Johnson.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Xoghayaha arrimaha dibada, ayaa ka wadahadlay arrimo badan oo ay kamidyihiin taageerada dadka ay saameysay abaarta ka jirta Soomaaliya,la dagaalanka maleeshiyada Al-Shabaab iyo arrimo kale oo la xiriira iskaashiga u dhaxeeya labada dal.

Britain ayaa bisha May ee sanadkan qorsheynaysa in ay gudaha magaalada London ku qabato shir ku saabsan Soomaaliya.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*