Xog: Dadkii ku dhintay gaari xamuul oo lagu qabtay xadka Zambia iyo Koonko oo aysan Soomaali ku jirin

Garoowe-(Puntland Mirror) Warbaahinta caalamka oo soo xigatay saraakiil u dhashay dalka Zambia ayaa maalintii Jimcadii faafisay in ugu yaraan 15 qof oo Soomaali ah ay dhinteen kadib markii ay neefta ku dhagtay gaari xamuul ah dhexdiis oo ay saarnaayeen, gaariga ayaa lagu qabtay xadka u dhaxeeya wadamada Zambia iyo Jamhuuriyada Dimuqraadiga Koonko.

Dad Soomaali ah oo ka ganacsato ka ah dalka Zambia oo lasoo xiriiray warsidaha Puntland Mirror ayaa u xaqiijiyay in dadkaas aysan ku jirin cid Soomaali ah, iyagoo sheegay in ay u direen guddi ay u xilsaareen soo eegida dadkaas iyo haddii ay Soomaali yihiin sidii loo duugi lahaa.

Xubno kamid dadkii soo arkay dadkaas geeriyooday ayaa warsidaha Puntland Mirror u xaqiijiyay in dadkaas aysan ku jirin wax Soomaali ah dhamaantoodna ay ahaayeen Itoobiiyaan.

Dhanka kale, wakaalada wararka Reuters oo warbixin ka qortay maanta dadkaas ku geeriyooday gaariga dhexdiisa ayaa sheegtay in dadkaas ay u dhasheen wadanka Itoobiya, wakaalada ayaa soo xigatay saraakiil u dhashay Jamhuuriyada Dimuqraadiga Koonko oo cadeeyay in dadkaas geeriyooday ay ahaayeen Itoobiyaan.

Saraakiisha koonko ayaa Reuters u sheegay in dadka dhintay ay ahaayeen muhaajiriin ku socday wadanka Koonfur Afrika.

Maxaa keenay dhimashada?

Dadka dhintay oo hadda tiradooda lagu sheegay 19 qof ayaa neefta ku dhagtay kadib markii lagu soo qariyay gaari weyn oo kuteenar xaamuula ahaa kaasoo siday digir iyo Qudaar.

Ciidamo booliis oo Koonkiyaan ah ayaa joojiyay gaariga kadib markii ay maqleen cod kasoo baxayay gudaha gaariga.

Yaa faafiyay in ay Soomaali yihiin?

Qayb kamid ah wakaaladaha wararka caalamka oo soo xiganaya saraakiil u dhashay wadamada Zambia iyo Jamhuuriyada Dimuqraadiga Koonko ayaa sheegay in dadkaas ay yihiin Soomaali.

Dadka Soomaalida iyo Itoobiyaanka ayaa badanaa ah labo qawmiyadood oo isku soo eg marka laga fiirsho xagga midabka iyo muuqaalka guud, taasaana sababta ugu weyn ka dhigtay in dadkaas Itoobiyaanka ah loo maleeyo Soomaali.

Warsidaha Puntland Mirror oo kamid ah warbaahinta Soomaalida ee faafisay in dad Soomaali ah ay yihiin dadka halkaas ku geeriyooday ayaa warsidaha warkaas wuxuu kasoo xigtay wakaalada wararka Shiinaha (Xinhua News Agency) oo kamid ah warbaahinta caalamka oo warkaas faafisay.

Ugu dambayna Warsidaha Puntland Mirror wuxuu raaligelin ka bixinayaa warkaas aan runta noqon oo uu qoray, waxaana u balanqaadaynaa akhristayaashayada in warsiduhu uu mar walba u taaganyahay sidii uu warar run oo ugu soo gudbin lahaa akhristayaasha ku xiran, wixii khalad ku dhacana looga daba tagi lahaa, loona sixi lahaa, iyadoo loo eegaya shuruucda warbaahinta caalamiga ah waafaqsan.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*