Xisbiyada mucaaradka Somaliland oo sheegay in Muuse Biixi uu fashilmay, kuna baaqay doorasho deg-deg ah

Hoggaamiyaasha xisbiyada mucaaradka Somaliland oo saxaafada kula hadlayay Hargeysa. [Isha Sawirka: Facebook]
Hargeysa-(Puntland Mirror) Xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi in uu ku fashilmay hoggaanka maamulkaas.

Shir saxaafadeed maanta oo Sabti ah ay si wadajir ah ugu qabteen Hargeysa labada xisbi ee mucaaradka ah ee Wadani iyo Ucid ayaa sheegay in Muuse Biixi uu noqday kaligii taliye burburshay dimuqraadiyada maamulkaas.

“Maanta waxaa muuqata in Muuse Biixi uu u xiibsiibtay kaligiitaliye cagta saaray wadadii hore loo eeday ee qayrkii iyo janaladii dhagarta ku caanka ahaa ay mareen, waxaa muuqata in uu burburiyay dimuqraadiyadii curdinka ahayd ee la korinayay isla markaana tacab badani shacbigan ka galay,” ayuu yiri hoggaamiyaha xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Ciro.

Xisbiyada mucaaradka ayaa ku baaqay in sanadka 2020-ka la qabto doorasho madaxweyne oo wakhtigeeda laga soo hormariyay.

“Labada xisbi qaran waxay xalka iyo badbaadinta Somaliland ee marxalada maanta aan ku jirno u arkaan in doorasho madaxtooyo oo xilligeedii laga soo hormariyo ka qabsoonto dalka sanadkan gudihiisa 2020, maadaama Muuse ku fashilmay hoggaaminta dalka.” Cabdiraxmaan Ciro ayaa sidaas yiri.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*