Xiriirka kubadda Koleyga Aduunka oo Soomaaliya usoo diray khabiir kormeeraya heerka ay mareeyso kubadda Koleyga dalku

Xiriirka kubadda  Koleyga Aduunka   oo Soomaaliya   usoo diray qabiir  kormeer  ku sameya heerkaay mareyso  kubadda Koleyga +Sawirro

Xiriirka kubadda Koleyga Aduunka  (Fiba World) ayaa  dalka Soomaaliya usoo diray qabiir soo indha indheeya xaalada k horumarka  kubadda Koleyga Soomaaliya  heer ciyaar iyo mid maamul intaba.

Qabiirkan  oo  lagu magcaaabo Lobomir  Kotleba ayaa kubada koleyag ku dhex jiray in kabdan 50 sano waxuuna hadda hayaa xilalka kala ah  Agaasimaha ciyaaraha Fiba, sidoo kale waa  la taliyaha xoghayaha Fiba.

Guddoomiyaha XSKK Kubada Koleyga C/laahi Nuur Maxamed Cadaani iyo xubno ka mid ah guddiga  Fulinta xiriirka  ay Kotleba kusoo dhaweeyay dalka waxuuna kadib  la kulmay guddiga Fulinta uu su’aalo dhowr ah ka weydiiyay qaabka uu xiriirka u shaqeeyo  kadibna waxuu kormeeray Xafiiska XSKK  isagoo sharaxaad laga siiyay nidaamka uu xiriirka u shaqeeyo.

Kotelba dhanka kale la kulmay madaxda wasaaradda dhalinyarada iyo Isboortiga iyo Mdaxda Guddiga Olomikada Soomaaliyeed, isoo u shegfay in Fiba ay dooneyso in ay ka qeyb qaadato horumarka kubadaKoleygfa Soomaaliya isla markaan ay taagero ka geysan  waxyaabha laf dhabarka u ah horuamrka kubadaKoleyga.

Guddoomiye Cadaani oo ka warbixyay waxyaabihii uu xirirka kala hadlay  ayaa sheegay in xiriirka uu  u gudbiyay waxaayabaha  muhiimka u ah horumarinta kubada Koleyda sida in la taageero, Tababarka dhanka maamulka, Macalimiinta iyo garsoorayaasha,  dayactirka garoomada iyo in ay ka taageri doonaan dhanka qalabka muhiimka u ah xiriirka iyo in laga tageero sidii kubada Koleyga loo gaarsiin lahaa gobolad dalka.

Kotleba oo ay marki labaad uu soomaaliya so gaaro ahayd ayaa qayb ka ahaa guddiga ay   Fiba u xirsaartay  qiimenta kubada kolegya AFrika si loo horumariyo waxuuna kormeerkiisa kusoo gabagabeeyay Garoonak Wiish oo ay ka dhaceysay xafladii xeritaanka horyaalka kubada Koleyga Wiilasha iyo gabdhaha iyadoo lau shafrfay inuu bixiyo koobka Horyaalka Wiilasha, waxuuna xiriirka u ballan qaaday in FIBA ay taageero buuxda siin doonto Xiriirka.

 

Xigasho: Gool Fm

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*