Xilli roobaadka Gu’ga oo ka bilowday gobolada Puntland

Roob da’aya. [Sawirka: Puntland Mirror]
Garoowe-(Puntland Mirror) Xilli roobaadka Gu’ga ayaa ka bilowday gobolada Puntland ee Soomaaliya.

Roobkan oo ah “todob” kaasoo da’a horaanta Guga, ayaa laga soo sheegay in uu ka da’ay gobolo ay kamidyihiin Bari, Karkaar, Nugaal, Sanaag, Mudug iyo Gaardafuu.

Xilli roobaadka ayaa bilaabmaya iyadoo uusan jiilal ka jirin deegaanada Puntland kuwaasoo labadii xilli roobaad ee u dambeeyay ee Guga iyo Deyrta helay roobab badan oo daaq balaaran dhulka ka soo saaray.

Geeldooje iyo guulaamo ayaa cirkaa saaran, waxaana la qiyaasayaa in roobab badan ay di’i doonaan asbuucyada soo aadan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*