Xildhibaan katirsan golaha deegaanka Gaalkacyo oo magaalada Gaalkacyo lagu dilay

Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Niman hubaysan oo aan la karanayn ayaa toogasho ku dilay xubin katirsan golaha deegaanka degmada Gaalkacyo ee Puntland.

Sarkaal boooliis ah, kaasoo codsaday in aan magaciisa la sheegin ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay in saddex nin oo baastoolado ku hubaysnaa ay xildhibaanka ku toogteen meel u dhow gurigiisa oo ku yaala xaafada Garsoor caawa oo Axad ah.

Magaca xildhibaanka dhintay ayaa la oran jiray Siciid Xayle.

Ma jirto cid si dhaqso ah u sheegatay masuuliyada weerarkaas balse dilkan ayaa noqonaya kii ugu dambeeyay dilal khaarajin ah oo taxane ah oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*