Xildhibaan katirsan baarlamaanka DFS oo ka badbaaday qarax loogu rakibay gaarigiisa

Qaraxa lagu xiray gaariga xildhibaanka ayaa waxaa ku dhaawacmay darawalkii. [Isha Sawirka: Twitter]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Xildhibaan Daahir Amin Jeesow oo katirsan baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka badbaaday qarax maanta oo Talaado ah ka dhacay Muqdisho.

Qaraxa ayaa lagu hoos dhajiyay gaariga xildhibaanka, sida ay wararku sheegeen.

Xildhibaanka ayaa shir jaraaid oo uu qabtay ku sheegay in uusan gaariga ku jirin markuu qaraxu dhacayay, isaga oo ku sugnaa xarun ganacsi oo u dhow halka uu qaraxu ka dhacay.

Darawawalkii xildhibaanka ayaa si xun ugu dhaawacmay qaraxa, sida uu sheegay Daahir Aamin Jeesow.

Ma jirto koox si deg-deg ah u sheegatay masuuliyada qaraxaas, balse ururka Al-Shabaab ayaa weeraro noocaan oo kale ah geysta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*