Xildhibaan Cali Axmed Dhahar oo ku dhawaaqay in uu u tartamayo guddoomiyaha baarlamaanka Puntland

Xildhibaan Cali Axmed Dhahar. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Xildhibaan Cali Axmed Dhahar ayaa si rasmi ah maanta oo Talaado ah ugu dhawaaqay in uu u tartamayo guddoomiyaha baarlamaanka Puntland.

Shir jaraaid oo uu ku qabtay Garoowe ayuu kaga dhawaaqay musharaxnimadiisa.

Cali Dhahar ayaa soo ahaa xoghayaha baarlamaanka, balse 2019 ayuu kamid noqday xildhibaanada baarlamaanka Puntland.

Musharixiin kale ayaa la filayaa in ay ku dhawaaqaan musharaxnimadooda.

Baarlamaanka Puntland ayaa asbuucii lasoo dhaafay xilka ka qaaday guddoomiyihii hore Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhoobo-daareed.

Doorashada guddoomiyaha cusub ayaa dhici doonta Khamiista, sida qorshuhu yahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*