Xildhibaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ku dhawaaqay in uu u tartamayo guddoomiyaha baarlamaanka Puntland

Cabdirashiid Yuusuf Jibriil. [Isha Sawirka: Facebook]
Garoowe-(Puntland Mirror) Xildhibaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa ku dhawaaqay in uu u tartamayo xilka guddoomiyaha baarlamaanka Puntland.

Cabdirashiid, oo ah nin dhalinyaro ah, ayaa ahaa agaasimihii warfaafinta madaxtooyada maamulkii madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali, waxaana uu baarlamaanka kamid noqday sanadkan 2019.

Wuxuu noqonayaa musharixii labaad oo ku dhawaaqa in uu u tartamayo xilkan. Xildhibaan Cali Axmed Dhahar ayaa Talaadadii ku dhawaaqay musharaxnimadiisa.

Doorashada guddoomiyaha baarlamaanka ayaa qorshuhu yahay in ay dhacdo beri oo Khamiis ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*