Xildhibaan Cabdiqaadir Faarax Bootaan oo katirsanaa baarlamaanka Puntland oo u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray qarax gaari

Xildhibaanka geeriyooday, Cabdiqaadir Faarax Bootaan. [Sawirka: Archive]
Xildhibaanka geeriyooday, Cabdiqaadir Faarax Bootaan. [Sawirka: Archive]
Garoowe-(Puntland Mirror) Xildhibaan Cabdiqaadir Faarax Bootaan oo katirsanaa baarlamaanka dowladda Puntland ayaa maanta oo Axad u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray weerar qarax oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo bilowgii bishaan, sida saraakiil katirsan baarlamaanka Puntland u xaqiijiyeen warsidaha Puntland Mirror.

Waxa uu ku dhintay isbitaal kuyaala gudaha caasimada Kenya ee Nairobi, halkaas oo lagu siinayay daaweyn caafimaad maalmihii lasoo dhaafay.

Waxa uu si daran ugu dhaawacmay markii qarax loogu xiray gaarigiisa uu ku qarxay 8-dii bsihaan Maarso gudaha magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarkaas ilaa iyo hadda, balse tuhunka ayaa ku dhacaya ururka hubaysan ee Al-Shabaab, kuwaasoo weeraro kan lamid horey u qaaday oo ka dhan ah saraakiisha dowladda Puntland.

Waraaq tacsiyeed ay soo saareen baarlamaanka Puntland maanta oo Axad ah, guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Puntland Cabdixamiid Cabdisalaam Ciise ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid xildhibaan Cabdiqaadir Faarax Bootaan.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*