Xiisad colaadeed oo ka jirta gobolka Sanaag

Gaadiid dagaal ay leeyihiin ciidamo Puntland oo ku sugan gobolka Sanaag. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Xiisad colaadeed ayaa lagu soo waramayaa in ay ka jirto gobolka Sanaag.

Sida ilo-wareedyo dhanka ammaanka katirsan ay u sheegeen bog wareedka Puntland Mirror xiisada ayaa korodhay kadib markii ciidamo ka kala socda Puntland iyo Somaliland ay tageen gobolka maalmihii u dambeeyay.

Ciidamo ka socda labada dhinac ayaa la sheegay in ay ku sii jeedaan magaalada Hadaaftimo ee gobolka Sanaag, iyada oo laga cabsi qabo in dagaal uu ka dhex qarxi karo labada dhinac.

Wefdi katirsan Puntland oo ay ku jiraan wasiiro ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay gaaray deegaano kuyaala gobolka Sanaag.

Asbuucii lasoo dhaafay ciidamo aad u hubeysan oo ka socda maamulka Somaliland ayaa yimid deegaanka Yube, halkaas oo ay ka sameysteen saldhig.

Talaadadii, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku eedeeyay Somaliland in ay daandaansi milatari ka wado gobolka Sanaag, waxaana uu sheegay haddii Somaliland ay joojin weydo gardarada ay la kulmi doonto cawaaqib xumo.

Sanadkii lasoo dhaafay, labada maamul ee deriska ah ayaa dagaal khasaare badan dhaliyay uu ku dhexmaray deegaanka Tukaraq ee gobolka Sanaag, halkaasoo ay weli isku horfadhiyaan labada ciidan.

Waxay u muuqataa in Puntland iyo Somaliland ay markale ku dagaalami karaan gobolka Sanaag, oo isagu ka xiisad yaraa marka loo barbardhigo dagaalka labada dhinac ku dhexmarayay gobolka Sool muddo sannooyin ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*