Xeer ilaaliye ku-xigeenkii maxkamada ciidamada qalabka sida ee DFS Cabdulaahi Mayoonge oo u geeriyooday dhaawac dhawaan soo gaaray

Xeer ilaaliye ku-xigeenkii maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowlada federaalka Soomaaliya, Cabdulaahi Xuseen Maxamed (Mayoonge). [Sawirka: Archive]
Xeer ilaaliye ku-xigeenkii maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowlada federaalka Soomaaliya, Cabdulaahi Xuseen Maxamed (Mayoonge). [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Xeer ilaaliye ku-xigeenkii maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowlada federaalka Soomaaliya, Cabdulaahi Xuseen Maxamed (Mayoonge) ayaa maanta oo Jimce ahayd ku geeriyooday isbitaal kuyaala caasimada Soomaaliya ee Muqdisho kadib dhaawac uu la jiifay muddo bil ku dhow, sida ay sheegeen saraakiil dowlada ah.

26-kii bishii lasoo dhaafay ee September ayaa kooxo hubaysan oo katirsan kooxda Al-Shabaab ku dhaawaceen degmada Wardhiigley xeer ilaaliye ku-xigeenka maxkamada ciidamada qalabka sida.

Kooxda hubaysan ayaa gaari ay wateen ku hor-gooyay gaariga xeer ilaaliye ku xigeenka maanta geeriyooday iyagoo rasaas ku furay, waxaana weerarka ku dhintay darawalkii Mayoonge.

Mayoonge ayaa lagu xasuustaa kiisas badan oo maxkamada ciidamada qalabka sida ay ku qaatay xubno badan oo Al-Shabaab katirsanaa kuwaasoo badankood lagu fuliyay dil toogasho ah.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*