Xeer ilaaliye ku xigeenka Puntland oo sheegay in dhacaan laga qaadi doonaa nimanka looga shaki qabo in ay ka dambeeyeen kufsi iyo dilka loo geystay gabadha yarta ah

Farsamo-yaqaano katirsan Puntland Forensic Center oo xarunta galaya. [Xigashada Sawirka: Getty Images]
Garoowe-(Puntland Mirror) Dhacaan ayaa laga qaadi doonaa eedaysanayaasha looga shaki qabo in ay ka dambeeyeen kufsi iyo dil loo geystay gabar da’ yar gudaha magaalada Gaalkacyo, sida uu sheegay xeer ilaaliye ku xigeenka Puntland.

Maxamed Xareed Faarax, oo ah xeer ilaaliye ku xigeenka Puntland ayaa warbaahinta u sheegay in dhacaan laga qaadi doono eedaysanayaasha si loo ogaado in ay iyagu falkaas ka dambeeyeen.

Ugu yaraan afar nin ayaa loo soo qabtay kufsi iyo dil Caasho Ilyaas Adan loogu geystay magaalada Gaalkacyo horaantii asbuucaan.

Haddii dambigaas lagu helo, waxay wajihi karaan dil toogasho ah, sida uu sheegay xeer ilaaliye ku xigeenka Puntland.

Dhibbaatada loo geystay gabdha yarta ah ayaa keentay caro weyn, taasoo dad badan ay banaanbaxyo ka dhigeen magaalooyinka waaweyn ee Puntland, sidoo kale dadweynaha Soomaaliyeed ayaa baraha bulshada ku muujiyay sida ay ugu xunyihiin falkaas, waxayna sheegeen in Caasho u baahantahay cadaalad.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*