Xasan Shiikh oo kasoo horjeestay in dowladda federaalka ay hurinayso dagaalka Gaalkacyo

Hassan
Xasan Shiikh Maxamuud. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha wakhtigiisii dhamaaday ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa cambaareeyay eedaha sheegaya in dowladda federaalka Soomaaliya ay hurinayso dagaalka gobolka Mudug ee u dhaxeeya ciidamada dowladda Puntland iyo maleeshiyada maamulka Galmudug.

Xasan Shiikh ayaa sheegay in colaadaas ay ka jirtay gobolka Mudug muddooyinkii lasoo dhaafay, si kastoo ay ahaataba dadaalada si loo gaaro dib-u-heshiisiin iyo nabad oo horey u dhacay waxaa dhex-dhexaadinayay beesha caalamka.

Wareysi uu siiyay taleefishinka maxaliga ah ee Af-Soomaaliga ku hadla Universal TV, ayaa Xasan Shiikh ku sheegay masuuliyada dagaalka in uu yahay balanqaad la’aanta labada dhinac in ay sababayso in uu burburo heshiisyo hore oo ay garwadeen ka ahaayeen beesha caalamka.

“Dowladda Soomaaliya ma ay hurinayso colaada meel kasta ee Soomaaliya, in aan dadaal ku bixino maahee si loo dhammeeyo dagaalada,” ayuu yiri Xasan Shiikh.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dagaalka Gaalkacyo uu dhacay kahor intaan la asaasin Puntland iyo Galmudug, xilliyadii maleeshiyadii Cabdulaahi Yuusuf iyo Janaraal Caydiid.

Asbuucii lasoo dhaafay madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug ayaa heshiis xabad-joojin ah ku gaaray magaalada Abu Dhabi waxaana heshiiskaas ugu dambeeyay garwadeen ka ahayd dowladda Isutaga Imaaraatka Carabta.

Ugu yaraan 60 qof oo u badnaa ciidamada labada dhinac ee dagaalamay iyo dad shacab ah ayaa ku geeriyooday dagaalka u dhaxeeya labada dhinac oo bilaabmay todobadii bishii Oktoobar ee lasoo dhaafay.

Haayada qaxootiyada u qaabilsan Qaramada Midoobay (UNHCR) ayaa ku qiyaasaysa 80,000 shacabka Gaalkacyo ah in ay ku barakaceen colaada u dhaxaysa Puntland iyo Galmudug.

Gaalkacyo oo ah caasimad goboleedka gobolka Mudug ayaa u qaybsanta labo qeybood, waqooyi iyo koonfur, qeybta koonfureed waxaa sheegata in ay maamusho maamulka Galmudug halka qeybta waqooyi oo ugu weyn magaalada ay gacanta ku hayso dowladda Puntland.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*