Xasan Shiikh Maxamuud oo sheegay in doorashada dalka wakhtiga loogu talogalay ay ku dhici doonto

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud. [Sawirka: Okan Ozer/Anadolu Agency/Getty Images]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in qabanqaabada doorashooyinka Soomaaliya ay si habsami leh u socoto, ayna ku qabsoomi doonto wakhtiga loogu talogalay, sida lagu sheegay bayaan lagu daabacay website-ka (Villa Soomaaliya) ee madaxtooyada.

“Soomaaliya waxay maalinba maalinta ka dambeysa ku tallaabsaneysaa horumar dhinaca siyaasadda iyo amniga ah oo mustaqbal wanaagsan dalka loogu dhisayo. Waxaan meel-marinay barnaamijyo dhowr ah oo la xiriira amniga iyo siyaasadda oo aan ku ansixinay nidaam wada oggol ah. Waxaa hubaal ah in aan si tartiib tartiib ah uga mira-dhalin doono barnaamijyada la xiriira dhismaha Soomaaliyada cusub oo leh dhammaan kaabeyaasha siyaasadda ee qaran walba u baahan yahay’’, ayuu yiri Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in madasha hoggaanka qaranka uu 10-ka bishan shirkooda uu ka furmi doono magaalada Muqdisho, lagana arrinsan doono arrimaha dardar-gelinta doorashada, amniga iyo siyaasadda dalka.

Doorashooyinka Soomaaliya ayaa wakhtigii loogu talogalay ka dib dhacay arrimo ay kamidyihiin diyaar-garow la’aan ay samaysay xukuumada Xasan Shiikh Maxamuud.

Bisha November 30-keeda ayaa lagu wadaa in baarlamaanka cusub ee lasoo dhisi doono ay doortaaan madaxweynaha Soomaaliya ee 2020-ka.

Xasan Shiikh Maxamuud oo 2012-kii loo doortay xafiiska ayaa mar labaad u taagan doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*