Xasan Cali Khayre: Saldhiga milatariga Turkiga wuxuu taageero ka geysan doonaa dhismaha ciidanka qaranka Soomaaliya

Raysulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre. [Xigashada Sawirka: Anadolu]
Ankara-(Puntland Mirror) Raysulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in saldhiga milatariga Turkiga uu ka dhisay gudaha Soomaaliya uu kaalin ka qaadan doono dhismaha ciidanka Soomaaliya.

“Saldhiga tababarka ee Turkiga wuxuu taageero ka geysan doonaa dhismaha ciidanka qaranka Soomaaliya,” Xasan Cali Khayre ayaa sidaa ku sheegay wareysi uu siiyay wakaalada wararka Turkiga ee Anadolu.

“Waanu ku faraxsanahay xiriirka aanu la leenahay Turkiga ciidan ahaan iyo xiriirka arrimaha ganacsi bulsheedka. Waxaan filaynaa sanadka soo socda ama labada sanno, in ka badan 1,000 ama 2,000 askari ay ka qalinjabin doonaan saldhiga milatariga,” ayuu ku sii daray.

Turkiga ayaa si rasmi ah u furay 30-kii bishii lasoo dhaafay ee September saldhigiisa gudaha Muqdisho.

Saldhiga oo kuyaala koonfurta Muqdisho ayaa la dhisayay labadii sano ee lasoo dhaafay.

Saldhiga ayaa ku fadhiya dhul dhan 4-kiilo-mitir oo isku wareeg ah, waxaana uu awood u leeyahay in ka badan 1,500 askari in ay tababar ku qaataan halkii marba, sida ay sheegeen saraakiisha Turkiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*