Xasan Cali Khayre oo wasiir cusub u magacaabay wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha

Raysulwasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Raysulwasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa magacaabay wasiirka ganacsiga iyo warshadaha, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska raysulwasaaraha.

Cabdullaahi Cali Xassan ayaa loo magacaabay wasiirka ganacsiga iyo warshadaha, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka oo soo baxay maanta oo Arbaco ah.

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, kaasoo horey u ahaa wasiirka wasiirka ganacsiga iyo warshadaha, ayaa loo magacaabay wasiirka warfaafinta kadib markii wasiirkii warfaafinta Daahir Maxamed Geele uu xilkaas iska casilay subaxnimadii hore ee maanta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*