Xarumaha ganacsiga magaalada Garoowe oo maanta xiran

Garowe (2)
Xarumaha ganacsiga magaalada Garoowe oo maanta xiran. [Sawirka: Puntland Mirror]
Garoowe-(Puntland Mirror) Xarumaha ganacsiga ee kuyaala magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ayaa maanta oo Axad ah xiran, sida uu sheegay wariyaha Puntland Mirror ee Garoowe.

Wariyaha warsidaha Puntland Mirror u jooga Garoowe oo tagay xarumaha ganacsiga ayaa kusoo waramay in maanta inta badan xarumahaas ay xiranyihiin.

Sababta keentay in albaabada loo xiro xarumaha ganacsiga ayaa ah sarifka dollarka oo kor u kacay, sida ganacsatadu u sheegeen Puntland Mirror.

Mid kamid ah ganacsatada oo codsaday in aan magaciisa la sheegin ayaa sheegay in ganacsatadu isku-raaceen in ay sameeyaan banaan-bax ay kaga soo horjeedaan kororka sarifka dollarka.

“Waxaanu ku heshiinay shan beri oo banaan-bax ah oo aan uga cabanayno qiimo kororka dollarka,” ayuu yiri ganacsaduhu.

“Maanta ayaan rabnay in aan sameyno banaan-baxa balse dowladda ayaa ciidamo soo hojisay irida suuqa Inji.” Ayuu ku daray.

Ciidamo dowladdu geysay suuqa Inji

Ciidamo boolis ah oo dowladdu geysay irida suuqa ugu weyn Garoowe ee Inji. [Sawirka: Puntland Mirror]
Ciidamo boolis ah oo dowladdu geysay irida suuqa ugu weyn Garoowe ee Inji. [Sawirka: Puntland Mirror]

Dowladda ayaa ciidamo booliis ah geysay suuqa ugu weyn Garoowe ee Inji oo kuyaala wadnaha magaalada.

Ciidamada ayaa dadka ka hor istaagay in ay wax dhaq-dhaqaaq ah sameeyaan, sida uu soo arkay wariyaha Puntland Mirror.

Ganacsatada ayaa ciidamada ka dalbaday in ay ka hor leexdaan si ay cabashadooda ugu gudbiyaan masuuliyiinta dowladda ayna ku hor banaan-baxaan xarumaha dowladda sida aqalka baarlamaanka, balse ciidamada ayaa ka diiday codsigoodii.

Mid kamid ah ciidamada oo magaciisa aan qarinay ayaa Puntland Mirror u sheegay in ay amar ka qabaan dowladda hoose ee Garoowe.

Puntland Mirror ayaa isku dayay in uu xiriir la sameeyo masuuliyiinta dowladda balse ilaa iyo hadda wax jawaab ah kama helin.

Asbuucyadii dhawaa ee lasoo dhaafay, sarifka dollarka ayaa kor u kacay gudaha Puntland isaga oo $100 gaaray ilaa iyo 3,000 Sh.So, taasoo qiime barar ku keentay maciishada, iyada oo saamayn weyn ku yeelatay dadka danyarta ah.

Asbuucii lasoo dhaafay, ganacsatada Puntland ee ku sugan xarunta ganacsiga Puntland ee Boosaaso iyo wasaaradda maaliyada dowladda Puntland ayaa ku heshiiyay in hoos loo dhigo sarifka doolarka.

Ganacsatada iyo wasaaradda maaliyada ayaa ku heshiiyay in sarifka doollarka lagu jaangooyay in $100 lagu sarifo 2,400 Sh.So ilaa iyo 2,500 Sh.So.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*