Fayruska beer xanuunka ayaa noqday hoggaamiyaha xanuunada dilayaasha ah ee caalamka, marka la barbardhigo Aids-ka iyo TB-da, sida ay muujinayso cilmibaaris uu soo saaray wargeyska caafimaadka ee Lancet medical journal.

Cilmibaarista ayaa ku qiyaastay in xanuunka beerka iyo dhibaatadiisa uu hoggaaminayo dhimashada xanuunada caalamka isagoo ay u dhinteen 1.45 malyan intii lagu guda jiray sanadkii 2013-ka, iyadoo ay jireen talaalo iyo daawaymo.

Haayda caafimaadka aduunka (WHO) ayaa xogteedu muujinaysaa in 1.2 malyan ay u dhinteen xanuunka Aids-ka sanadkii 2014-ka, halka TB-da ay ka ahayd 1.5 malyan.

Beer xanuunka waxaa uu ku dhacaa beerka bini’aadamka, intooda badan waxa sababa jeermis balse mararka qaar waxaa keeni kara daawooyin iyo isticmaalka khamrada, ama xanuuno kale.

Waxaa jira shan nooc oo waaweyn oo beer xanuun ah, kuwaasoo kala ah A, B, C, D iyo E.

Sida ay sheegtay WHO, noocyada A iyo E ayaa sida caadiga ah waxaa laga qaadaa biyaha iyo cunada wasakhaysan, halka B, C, iyo D sida caadiga ah ay ku gudbaan taabasho qoyaan oo katimid qofka bukaanka ah.

Cilmibaarista ayaa muujinaysa in dhibaatada ugu badan ee beer xanuunka ay ka jirto wadamada Bariga qaarada Aasiya.

Hepatatis

 

Soomaaliya iyo beer xanuunka

Fayruska beer xanuunka ayaa kusoo badanayay gudaha Soomaaliya sanadadii u dambeeyay sida uu Puntland Mirror u sheegay dhaqtar ku takhasusay xanuunada guud oo ka howlgala magaalada Boosaaso.

“Haa, aad buu u soo kordhayaa xanuunkaas bulshada Soomaalida dhexdeeda, dad badana waa ay u dhintaan sanad walba, waagii hore Soomaalida aad bay u fududaysan jirtay xanuunka oo dab iyo wax lamid ah bay aaminsanaayeen in lagu daweeyo, laakiin waxay ku xirantahay nooca xanuunka, tusaale Soomaalida waxa aad ugu badan nooca A-da oo ay fudutahay in la daaweeyo laakiin B iyo C waa labada nooc oo ugu khatarta badan kuwaasoo keena kansarka beerka ugu dambayn,” ayuu yiri dhaqtarka.

Dhaqtarka ayaa sheegay in Soomaaliya aysan ka furnayan xarumo lagu daaweeyo xanuunada beerka taasoo keenta in dadka intooda awooda ay dibadaha u aadaan daaweyn cidii kalena aysan helin daaweyn caafimaad taasoo naftooda khatar ku keeni karta haddii aan xanuunka lala tacaalin.

Share this story about sharing

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Scroll Up