Xaggee ku dambeeyay shirkii dhexmari lahaa dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo lagu qaban lahaa Garoowe?

Madaxweyne Farmaajo (Midig) Madaxweyne Deni (Bidix) caleemosaarkii madaxweynaha Puntland Garoowe, January 26, 2019. [Sawirka]
Garoowe-(Puntland Mirror) Dabayaaqadii bishii Janaayo ee sanadkan madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahai Deni ayaa sheegay in maamulkiisu uu martigelin doono kulan u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada.

Go’aankaas ayaa daba socday kadib kulan dhexmaray madaxweynaha dowladda federaalka iyo madaxda maamul goboleedyada kuwaasoo Garoowe u yimid ka qeybgalka munaasabadda caleemoosaarka madaxweyne Deni.

Madaxweynaha Puntland oo shir jaraaid qabtay 28 Janaayo ayaa yiri: “Runtii arrintaas waxay horseeday in madaxweynaha Dowladda Federaalka uu soo jeediyo in shir la isugu yimaado bartamaha bisha saddexaad uuna ka codsaday dowladda Puntland in ay gogoshaas martigeliso, anoo ku hadlaya magaca dowladda iyo shacabka Puntland waxaan aqbalay in aan gogol nabadeed oo loogu gogol xaarayo in Soomaaliya midnimadeeda iyo wadajirkeeda looga shaqeeyo Garoowe lagu qabto.”

Haddaba manta bishu waa 26 Maarso mana dhicin in shirkii lagu balamay uu dhaco.

Maxaa keenay in shirka uusan dhicin?

Sida ilo-wareedyo katirsan dowladda Puntland iyo falaanqeeyaasha siyasadda ay bog wareedka Puntland Mirror u sheegeen waxaa jira caqabado badan oo heysta dowladda dhexe iyo iyo maamulada qeybtood in uu sabab u noqday dib u dhaca shirka.

“Waxaa jirta caqabado badan oo heysta dowladda dhexe wakhtigan sida ammaanka, iyo arrimo kale oo ay kamidtahay khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Kenya oo ku saabsan badda taasoo asbuucyadii u dambeysay masqhuul ka dhigay masuuliyiinta sare ee dowladda federaalka,” sidaa waxaa yiri Siciid Yuusuf Abshir oo ah falaanqeeye siyaasadeed.

Ilo-wareed katirsan dowladda Puntland oo codsaday in magaciisa aan la sheegin ayaa sheegay in dhanka Puntland oo shirka martigelin lahayd uu mashquul weyn ka jiray labadii bilood ee lasoo dhaafay.

“Madaxweynaha Puntland tan iyo bartamihii bishii Janaayo waxa u aad ugu mashquulsanaa dhismaha xukuumadiisa oo qaadatay muddo ka badan bil, kadibna waxa uu ku jiray wakhti kala guuur ah oo u baahan dadaal badan si salka loogu adkeeyo shaqada xukuumadda cusub, arrimahaas ayaan isleeyahay waxay culeys ku keeneen in shirkii lagu balamay Garoowe uusan qabsoomin,” ilo-wareedka ayaa sidaa yiri.

Shirka ayaa ujeedkiisu ahaa sidii lagu xalin lahaa khilaafka u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamulada xubnaha ka ah federaalka, kuwaasoo xiriirka u jaray dowladda uu hoggaamiyo Farmaajo bishii September ee 2018.

Asbuucaan, waxaa Muqdisho tagay madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, kaasoo uu khilaaf xoogan ka dhaxeeyay dowladda dhexe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*