Xafiiska Hanti-dhawrka Puntland oo hakiyay dhammaan akoomada Wasaaraddaha Puntland ay ku leeyihiin bangiyada gaarka loo leeyahay

Waraaqda uu soo saaray Xafiiska Hanti-dhawrka Puntland maanta oo Arbaco ah.

Garoowe-(Puntland Mirror) Xafiiska Hanti-dhawrka Puntland ayaa hakiyay dhammaan akoomada Wasaaraddaha Puntland ay ku leeyihiin bangiyada gaarka loo leeyahay ee kuyaala gudaha Puntland.

Sida ay sheegayso waraaq uu helay warsidaha Puntland Mirror, Guddoomiyaha Xafiiska Hanti-dhawrka Puntland Jaamac Maxamed Cusmaan ayaa joojiyay lacag ka saarida dhammaan akoomada Wasaaraddaha Puntland ay ku leeyihiin bangiyada gaarka loo leeyahay ilaa amar dambe.

Tilaabadan ayaa imaanaysa maalin kadib markii Baarlamaanka Puntland uu riday golihii wasiiradda, oo lagu eedeeyay waxqabad xumo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*