Xaalada Gaalkacyo oo xasiloon kadib madaafiic cul-culus oo shalay la is-dhaafsaday

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. [Sawirka: Puntland Mirror]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Xaalada guud ee magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa saakay oo Talaado ah degan kadib madaafiic cul-culus oo shalay ay isku adeegsadeen ciidamo kala taageersan Puntland iyo Galmudug.

Dhawaaqa madaafiicda la isku adeegsanayay ayaa shalay galab laga maqlayay guud ahaan magaalada Gaalkacyo.

Xoogaga kala taageersan lababada dhinac ayaa ku kala sugan dhufaysyadooda kuyaala duleedka koonfureed ee magaalada Gaalkacyo.

Lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay madaafiicdii shalay la isku garaacay.

Dagaal asbuucii hore labada dhinac ku dhexmaray duleedka koonfureed ee magaalada ayaa waxaa ku dhimatay ugu yaraan 10 qof oo ah dhinacyadii dagaalamay ah.

Labada maamul ayaa dabayaaqadii sanadkii hore ee 2015-ka ku dagaalamay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Dagaalka asbuucii hore soo cusboonaaday ayaa waxaa sababay kadib markii ganacsato reer Puntland ah ay dhisme maxjar lagu kala wareejinayo xoolaha dhanka koonfurta ka imaanaya ka bilaabeen duleedka koonfureed ee xaafada Garsoor, maleeshiyaad kasoo jeeda Galmudug oo diidan dhismaha maxjarka ayaa weerar ku soo qaaday halka dhismaha uu ka socdo.

Bartamihii bishii August ee sanadkan, ciidamada sirdoonka Puntland oo garabsanaya kuwa dowlada federaalka Soomaaliya ee Danab ayaa howlgal ay ka sameeyeen xaafada koonfureed ee Gaalkacyo waxa ay kusoo qabteen saraakiil sar-sare oo Al-Shabaab ah oo uu ku jiray nin ajnabi ah.

Dowlada Puntland ayaa bilowgii bishii lasoo dhaafay ee September soo-saartay go’aan lagu joojinayo dhamaan gaadiidka ka yimaada koonfurta Soomaaliya, kadib qarax isbiimayn ahaa oo lala beegsaday xarunta dowlada hoose ee magaalada Gaalkacyo ee dhanka Puntland, kasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 35 qof oo shacab iyo askar u badnaa.

Puntland ayaa sheegtay in weerarkaas lagu soo qorsheeyay dhanka koonfureed ee magaalada Gaalkacyo oo ay maamusho Galmudug, balse maamulkoodu uusan si fiican uga shaqayn halkaas.

Gaalkacyo ayaa u qaybsanta labo qaybood, mid waxaa maamusha Puntland mida kalena Galmudug.

Barokac ka bilaabmay magaalada

barokac
Baabuur sida dad barokac ah markii uu socday dagaalkii Puntland iyo Galmudug ee bishii November, 2015-ka ka dhacay Gaalkacyo. [Sawirka: Archive]
Labada dhinac ee magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ka bilaabmay barakac, iyadoo darawalada baabuurta lagu eedaynayo arrintaas in ay iyagu ka dambeeyaan, sida mid kamid ah dadka deegaanka uu u sheegay Puntland Mirror.

Kantaroolka waqooyi oo ay Puntland maamusho ayaa laga joojiyay in ay maraan baabuurta sida dadka barakacaya, sida uu sheegay sarkaal ciidamada amaanka kamid ah.

Sarkaalka ayaa sheegay in ciidamada Puntland ee kantaroolka ku sugan ay celiyeen baabuur badan oo siday dad rabay in ay ka baxaan magaalada.

Ugu dambayna lama oga halka ay ku dambayn doonto xaalada ka taagan duleedka koonfureed ee magaalada oo ay ku suganyihiin ciidamada labada dhinac.

Waxaa socda waan-waan lagu doonayo in lagu qaboojiyo xaalada oo ay wadaan odayaasha dhaqanka labada dhinac.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*