Wiil 8-sanno jir Soomaali ah oo ku dhintay bumbo gacmeed lagu tuuray guri uu hurday dalka Sweden

Warsame
Wiilka dhintay, Yuusuf Cabwaaxid Warsame.

Stockholm-(Puntland Mirror) Wiil 8-sanno jir ah oo haystay dhalashada Britain kana soo jeeday Soomaaliya ayaa la dilay kadib markii bumbo gacmeed lagu tuuray qolkiisa hurdada ee gobolka Gothenburg ee dalka Sweden.

Weerarka ayaa ka dhashay muran u dhaxeeyay kooxo gaangis Soomaali ah oo kunool dalka Sweden, sida ay sheegeen laamaha dambi-baarista dalkaas.

Wiilka yar  ee dhintay ayaa lagu magacaabi jiray Yuusuf Cabdiwaaxid Warsame, wuxuuna ka yimid magaalada Birmingham ee wadanka Britain.

Aabihiis Cabdiwaaxid Warsame ayaa cadeeyay dhimashada wiilkiisa, kaasoo booqasho ugu tagay qoyskiisa oo jooga dalka Sweden.

Cabdiwaaxid ayaa yiri: “Wuxuu ahaa wiil aan jeclahay, wiil qurux badan, wuxuu aad u jeclaa iskuulka runtiina shaqadiisu waxay ahayd waxbarasho.

Dalka Sweden ayaa kamid ah wadamada ugu amaanka badan caalamka, dad badan oo Soomali ah ayaa kunool dalkaas.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*