Wedi ka socda Puntland oo tagay magaalada Badhan ee gobolka Sanaag

Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland oo wefdiga ku soo dhaweynaya magaalada Badhan. [Xigashada Sawirka: Puntland Parliament]
Badhan-(Puntland Mirror) Wedi ka socda Puntland oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha baarlamaanka Cabrirashiid Yuusf Jibriil ayaa maanta oo Isniin ah tagay magaalada Badhan ee gobolka Sanaag.

Wefdiga ayaa waxaa kamid ah wasiirka maaliyada Xasan Shire Abgaal, wasiirka amniga Cabdisamad Maxamed Galan iyo sidoo kale taliyaha ciidamada difaaca Puntland Janaraal Yaasiin Cumar Dheere.

Ujeedka wefdiga ee Badhan ayaa lagu sheegay in ay qeyb ka tahay dib u habaynta ciidamada Puntland oo bilihii u dambeeyay ka socday gobolada Puntland.

Bishii Octoobar ee 2019, Puntland ayaa bilowday adeegsiga nidaamka tiknoolajiyada biometric si loola socda xogta shakhsiga ah ee askari kasta, tirada saxda ah ee ciidamada Puntland iyo in la xaqiijiyo in askari kasta uu si joogto ah u helo xuquuqdiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*