Wasiirkii Warfaafinta Soomaaliya oo loo doortay duqa cusub ee Muqdisho

Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan, duqa cusub ee Muqdisho. [Sawirka]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Wasiirkii Warfaafinta dowladda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan oo loo yaqaan Yariiswo ayaa loo doortay duqa cusub ee magaalada Muqdisho, sida lagu sheegay digreeto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo maanta oo Axad ahayd.

Digreetada Madaxweynaha ayaa imaanaysa iyadoo xiriirka u dhaxeeya duqii hore ee Muqdisho Taabit Maxamed Cabdi iyo Villa Soomaaliya uu xumaaday maalmihii lasoo dhaafay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*