Wasiirkii hore ee amniga Puntland oo uga digay Faroole in uu keligiis ku hadlo magaca siyaasiyiinta gobolka Nugaal

Wasiirkii hore ee amniga Puntland Xasan Aloore. [Sawirka]
Garoowe-(Puntland Mirror) Wasiirkii hore ee amniga Puntland ayaa sheegay in Faroole uusan keligiis ku hadli karin siyaasadda gobolka Nugaal.

“Nugaal hal siyaasi ma leh, Cabdiraxmaan keliya siyaasi maahan, siyaasiyiin badan bay leedahay, waan ka digeynaa in keligiis uu isa siiyo siyaasadda gobolka Nugaal,” ayuu yiri wasiirkii hore ee amniga Puntland Xasan Aloore.

Wasiirkii hore ee amniga Puntland oo saxaafada kula hadlay magaalada Garoowe maanta oo Khamiis ah ayaa intaas ku daray in siyaasadda gobolka Nugaal ay go’aamin karaan isimada, aqoonyahanka, siyaasiyiinta iyo shacabka reer Nugaaleed iyaga oo wada jira balse Faroole keligiis uusan ka dhigan karin wax isagu uu si gaar ah u leeyahay.

Hadalkan ayaa imaanaya maalin kadib markii Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole uu shir jaraaid ku qabtay shalay oo Arbaco aheyd Garoowe, uu ku eedeeyay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali hadalkiisii ku adanaa Somaliland, kuwaasoo ciidankoodu ay la wareegeen tuulada Tukaraq Isniintii.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*