Wasiirkii Gaashaandhiga Soomaaliya oo iscasilay

Sawirka: Wasiirkii Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Wasiirkii Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa iscasilay maanta oo Khamiis ah.

Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed ayaa waraaqdiisa iscasilaada u gudbiyay Raysulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, kaasoo aqbalay.

Iscasilaada wasiirka ayaa timid saacado kadib markii taliyaha ciidanka Soomaaliya Maxamed Axmed Jaamac ayaa xilkiisii iska casilay.

Si kastoo ay ahaataba, sababaha ka dambeeya iscasilaadooda ayaan la ogeyn ilaa iyo hadda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*