Wasiirkii Beeraha iyo Waraabka Puntland oo ku geeriyooday Muqdisho

Cabdinuur Cilmi Maxamuud oo loo yaqiin “Biindhe”. [Sawirka]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Wasiirkii Beeraha iyo Waraabka Puntland Cabdinuur Cilmi Maxamuud oo loo yaqiin “Biindhe” ayaa saakay oo Jimce ah ku geeriyooday magaalada Muqdisho, halkaas oo uu daaweyn xanuun aan la sheegin u joogay, sida ay xaqiijiyeen qoyskiisu.

Biindhe ayaa kamid ahaa wasiiraddii ugu horeeyay Puntland markii la asaasay sanadkii 1998, xukuumadda hadda jirta ee Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali ayuu labbo jeer xil wasiirnimo ka qabtay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*