Wasiirkii Arrimaha Dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo geeriyooday

Wasiirka geeriyooday Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil. [Sawir Hore]
Dubai-(Puntland Mirror) Wasiirkii Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa maanta oo Jimce ah ku geeriyooday isbitaal kuyaala magaalada Dubai ee dalka Imaaraatka Carabta, sida ay xaqiijiyeen xubno katirsan qoyskiisa.

Wasiirka ayaa maalmihii u dambeysay ku sugnaa halkaas kadib xanuun ka hayay kelyaha, sida ay wararku sheegeen.

Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay xukuumadihii ugu dambeeyay ee Federaalka.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay geerida wasiir Xoosh.

“Innaalilaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Waxaan aad uga naxay geerida Wasiirka Arrimaha Dastuurka Marxuum Cabdi Xoosh. Marxuumku wuxuu laf-dhabar u ahaa xukuumadda haatan jirta isaga oo gacanta ku hayay hawlaha qabyo-tirka Dastuurka. Wuxuu ahaa shakhsi aqoontiisa qareennimo iyo hawl-karnimadiisa ugu khidmeeyay Qaranka xilliyo kala duwan.” Ayuu waraaq tacsiyeed ku yiri madaxweynuhu.

Madaxweyne Farmaajo ayaa amar ku bixiyay in aas qaran loo sameeyo Wasiirkii Arrimaha Dastuurka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*