Wasiirka waxbarashada Puntland: Goodax isaga laga rabaa in uu cadeeyo oo sheego meesha uu ku fashilmay imtixaanka Puntland

Wasiirka waxbarashada Puntland, Cabdullaahi Maxamed Xasan. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Wasiirka waxbarashada dowladda Puntland ayaa beeniyay hadalkii wasiirka dowladda federaalka Soomaaliya ee ahaa in imtixaanka Puntland uu fashilmay.

Cabdullaahi Maxamed Xasan, wasiirka waxbarashada Puntland ayaa wareysi uu siiyay idaacada maxaliga ah ee Radio Daljir ku sheegay in wasiirka waxbarashada dowladda federaalka Soomaaliya laga rabo in uu cadeeyo sida uu u fashilmay imtixaanka Puntland.

“Wax ka jira ma jiraan, wasiirku isaga laga rabaa in uu cadeeyo oo sheego meesha uu ku fashilmay, isaga laga rabaa in uu keeno cadeyn sidii cadeyntu ay u gashay baraha bulshada kii fashilmay ee federaalka,” ayuu yiri wasiirka waxbarashada Puntland.

“Ma garanayo wasiirku meesha uu warkaan ka keenay, isaga laga rabaa cadeynteeda in uu keeno.” Ayuu ku sii daray.

Wasiirka waxbarashada Puntland ayaa sheegay in imtixaanka Puntland uu ku socdo sidii loogu talogalay.

“Puntland imtixaankeeda sidii loogu talogalay ayuu u socdaa, maalintii kowaadna waxa uu ku dhammaaday si aad u sharaf leh, meel dhibbaato ka jirtay iyo meel uu ka fashilmay haba yaraatee ma jirto, ayaamaha soo socdana sidii loogu talogalay buu u soconayaa,” ayuu yiri wasiirku.

Isaga oo ka hadlayay magaalada Jowhar Sabtidii, wasiirka waxbarashada dowladda federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Bare ayaa sheegay in imtixaanka Puntland ee hadda socda uu fashilmay.

Waa markii labaad oo Goodax Bare ay ka soo yeeraan hadalo lid ku ah waxbarashada Puntland tan iyo bishii April, markaas oo uu hanjabaad u jeediyay ardayda Puntland.

Imtixaanka Puntland

Sabtidii, waxaa gudaha Puntland u fariistay imtixaanka fasalka afraad ee dugsiga sare iyo fasalka sideedaad ee dugsiga dhexe arday gaareysa 15,800.

Imtixaanka ayaa ka dhacaya 106 goobood oo kuyaala gobolada Puntland, sida ay sheegtay wasaaradda waxbarashada Puntland.

Imtixaankan ayaa Puntland soo waday muddo sannooyin ah isaga oo aysan wax dhibaato ah ka dhalan, taasoo keentay in nidaamka waxbarashada Puntland uu tusaale fiican u noqdo tan Soomaaliya oo dhan.

Warbixino been ah      

Mareegta Caasimada ayaa kamid ah kuwa faafisay wararka beenta ah. [Screenshot]
Qaar katirsan mareegaha internetka ee Soomaaliyeed oo fadhigeedu yahay Muqdisho ayaa faafiyay warar been ah oo sheegaya in imtixaanka Puntland la jabsaday.

Mareegahaas ayaa ka been sheegay hadal madaxweynaha Puntland Sciid Cabdullaahi Deni uu kaga hadlayay in ay jirtay xilli la jabsaday imtixaanka dugsiga dhexe ee Puntland, kaasoo isla markiiba tilaabo ay qaaday wasaaradda waxbarashada lagu celiyay labo maado oo kamid ahaa imtixaanka, sidoo kalena ganaax adag la dul dhigay tuulada uu ka dhacay falkaas.

Caro ka dhalatay hadalka Goodax Bare

Dad badan oo reer Puntland ah ayaa ka carooday hadalada dhaawaca ku ah ardayda Puntland oo ka yimid wasiirka waxbarasahada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Bare, dadka ayaa u soo baxay baraha bulshada si ay u muujiyaan dareenkooda ku aadan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*