Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo sheegay in ugu yaraan 81 maleeshiyo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Jubbada Dhexe

Sawirka: wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Ugu yaraan 81 maleeshiyo Al-Shabaab ah ayaa lagu dilay howlgal ay ciidanka dowladda Soomaaliya ka geysteen degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, sida uu sheegay wasiirka warfaafinta Soomaaliya.

Qoraal oo boggiisa Facebook soo dhigay, Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayuu ku sheegay in ciidanku ay bartilmaameedsadeen labo goobood halkaas oo maleeshiyo tababar qaadatay ay doonayeen in ay ka tagaan.

Baabuur dagaal iyo hub ayaa lagu burburshay weerarka, wasiir Cabdiraxmaan ayaa intaas ku sii daray.

Dhanka kale, afhayeenka Al-Shabaab ee milatariga Cabdicasiis Abu Muscab ayaa beeniyay sheegashada dowladda, isaga oo ku tilmaamay “mid aan sal iyo raad toona lahayn”.

Dhacdo kale, Milatariga Mareykanka ayaa sheegay maanta oo Sabti ah in ay qaadeen duqayn cusub oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay la eegteen  xagjiriinta Al-Shabaab, laguna dilay dhowr maleeshiyo ah.

Bayaan ay soo saareen Taliska Mareykanka ee Afrika ayay ku sheegeen in duqaynta ay qaadeen habeenimadii Jimcada ayna ka dhacday gobolka Shabeellaha Hoose, oo qiyaastii 23 km dhanka waqooyiga uga beegan caasimada Muqdisho.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*