Wasiirka Kalluumeysiga Soomaaliya oo sheegay in maraakiibta kalluumeysiga sharci darada ah ay soo celin karaan burcadbadeedii

Cabdullaahi Bidhaan Warsame Cabdullaahi Bidhaan Warsame. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Wasiirka Kalluumeysiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maraakiib ajnabi ah ku eedeeyay in ay kalluumeysi sharci daro ah ka wadaan xeebaha Soomaaliya.

Cabdullaahi Bidhaan Warsame oo wareysi siiyay TV-ka dowladda ee SNTV ayaa sheegay in maraakiibtaas laga leeyahay dalalka Iran iyo Pakistan.

“Waan uga digeynaa maraakiibtaas inay si deg-deg ah waddanka uga baxaan wixii awooda ee aan saari karno iyo soo qab-qabashadoodana waan ka shaqeyneynaa. Waxaan u baahanahay in cid kasta oo naga caawin karta inay naga caawiso sidii loo qaban lahaa maraakiibtaas.” Ayuu ku yiri wareysiga.

Maraakiibta oo ka kooban 43 markab ayuu Bidhaan sheegay in badankood ay ku jiraan xeebaha maamul goboleedyada Puntland iyo Galmudug, isaga oo intaas raaciyay in ay sababi karaan in burcadbadeedii soo laabato markale.

Wasiirka ayaa ka codsaday xoogaga ajnabiga ah ee la dagaalanka burcadbadeeda ee ku sugan biyaha gobolka in ay gacan ka siiyaan sidii loo qab-qaban lahaa maraakiibtaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*