Wasiirka Gaashaandhiga Turkiga oo yimid Muqdisho

Wasiirka Gaashaandhiga Turkiga Hulusi Akar. [Sawirka: Anadolu]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Wasiirka Gaashaandhiga Turkiga Hulusi Akar ayaa shalay galab oo Arbaco ahayd yimid caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, sida ay sheegtay wakaalada wararka Turkiga ee Anadolu.

Hulusi Akar, iyo wefdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Adan Cade ku soo dhaweeyay Raysulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo masuuliyiin sare oo dowladda katirsan.

“Waan ku faraxsanahay in aan soo dhaweeyo Wasiirka Gaashaandhiga Turkiga Hulusi Akar, oo ah saaxiib dhow ee Soomaaliya, waan ku qanacsanahay in aan maqlo markale in Turkiga uu balanqaaday in uu garabtaaganyahay Soomaaliya keliya maahan wakhtiyada wanaagsan balse xilli walba,” ayuu Khayre ku yiri qoraal uu soo dhiggay boggiisa Twitterka.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wefdiga uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga Turkiga ku qaabilay aqalka madaxtooyada.

“Waxaan rabaa in aan u mahadcesho walaalaha Turkiga shaqada iyo taageerada ay ka geysteen hanaanka dhismaha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya,” ayuu yiri Farmaajo.

Dhankiisa, Hulusi Akar ayaa sheegay in dowladdiisu ay sii wadi doonto taageerada ay siiyaan Soomaaliya.

“waxaan sii wadi doonaa balanqaadyada Soomaaliya aan kaga taageeri doono dhismaha ciidamada qaranka,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga Turkiga.

Turkiga ayaa ah wadanka ugu weyn ee taageerayay Dowladda Federaalka Soomaaliya sanadihii u dambeeyay isaga oo safaaradiisa ugu weyn ee Africa ku leh Muqdisho. Turkiga ayaa sidoo kale Muqdisho ka dhisay saldhiga tababarka ugu casrisan ee lagu laylinayo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*