Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo magaalada Doha kula kulmay dhiggiisa Qatar

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo magaalada Doha kula kulmay dhiggiisa Qatar. [Xigashada Sawirka: The peninsula Qatar]
Doha-(Puntland Mirror) Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdirashiid Cabdulaahi Maxamed ayaa magaalada Dooxa kulan kula yeeshay dhiggiisa Qatar Khalid bin Mohammed Al Attiyah.

Cabdirashiid iyo Khalid ayaa ka wadahadlay arrimo la xirrira ammaanka oo ay kamidtahay dagaalka ka dhanka ah ururka hubaysan ee Al-Shabaab, sida ay wararku sheegeen.

Labada wasiir ayaa sidoo kale ka wadaxaajooday sida Qatar ay qeyb uga qaadan lahayd dib u dhiska ciidamada Soomaaliya.

Kulanka ayaa dabasocday wadadahal u dhaxeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Amiirka Qatar Sheikh Tamim Bin Hamad Al Thani.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*