Wasiirka Gaashaandhiga dowladda federaalka Soomaaliya oo xilkii iska casilay si uu ugu tartamo guddoomiyaha baarlamaanka

Wasiirka Gaashaandhiga Mursal Shiikh Cabdiraxmaan. [Sawirka]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Wasiirka Gaashaandhiga dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah xilkii iska casilay.

Maxamed Mursal Shiikh ayaa warbaahinta u sheegay in xilkii wasiirnimada iska casilay si uu ugu tartamo guddoomiyaha baarlamaanka dowladda federaalka Soomaaliya.

Guddiga qabanqaabada doorashada guddoomiyaha baarlamaanka ayaa bayaan ay Axadii soo saareen ku sheegay in musharax walba oo katirsan golaha wasiirada kaasoo u tartamaya guddoomiyaha baarlamaanka uu is casilaa kahor inta uusan isdiiwaangelin.

Sidoo kale dhowr xubnood oo katirsan golaha wasiiradda ayaa is casilay si ay ugu tartamaan doorashada guddoomiyaha baarlamaanka.

Doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhici doonta 30 April, sida guddiga qabanqaabada doorashada ay sheegeen.

Horaantii bishaan, guddoomiyihii hore Maxamed Shiikh Cumaan Jawaari ayaa iscasilay kadib dhowr asbuuc oo ismari-waa siyaasadeed ah oo u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Muqdisho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*