Wasiirka duulista iyo garoomada Puntland oo sheegay in dowladda Imaaraatka Carabta ay balaarin doonto garoonka diyaaradaha Boosaaso

Garoonka diyaaradaha Boosaaso. [Sawir Hore]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa balaarin doonta garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso, sida uu sheegay wasiirka duulista iyo garoomada Puntland Xuseen Cusmaan Lugtoor.

Shir jaraaid oo uu ku qabtay magaalada Boosaaso maanta oo Talaado ah ayuu ka sheegay in la balaarin doono dhabaha ay diyaaraduhu kun ordaan sidoo kalena la dhisi doono terminal weyn iyo toowar cusub.

“Garoonka waxaa laga qaban doonaa 1200 kiilomitir baa lagu dari doonaa, terminal weyn oo casri ah iyo toowar baa laga dhisi doonaa,” ayuu yiri wasiirku.

“Waxaan u diyaarinaynaa in uu noqddo garoon caalami ah oo Geeska Afrika garoomada ugu shaqada fiican in uu noqdo.” Ayuu ku sii daray.

Wefdi ka socda Imaaraatka Carabta ayaa yimid maanta magaalada Boosaaso iyagoo kormeer ku sameeyay garoonka, sida uu sheegay wasiirku.

Garoonka diyaaradaha Boosaaso ayaa si rasmi ah loo furay bishii Janaayo 2016-kii kadib markii ay dhistay shirkada Shiinaha ah ee CCECC waxaana dhaqaalaha ku deeqay dowladda Talyaaniga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*