Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha DFS oo ka badbaaday qarax loogu rakibay gaarigiisa

Wasiir Nuux
Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha dowlada federaalka Soomaaliya, Maxamed Xasan Nuux. Sawirka: Radio Muqdisho.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha dowlada federaalka Soomaaliya ayaa caawa ka badbaaday qarax lagu doonayay in lagu khaarajiyo.

Wasiir, Maxamed Xasan Nuux ayaa qaraxa loogu xiray gaarigiisa hoostiisa, sida ay sheegeen saraakiisha booliiska.

Wasiirka oo la hadlay warbaahinta dowlada ayaa sheegay inuu nabad qabo.

“Alxamdulilaah, Waan nabad qabaa aniga iyo asxaabtii ila socotay,” ayuu yiri wasiir Nuux.

Sida ay dadka deegaanka u sheegeen warsidaha Puntland Mirror qaraxa oo ka dhacay meel u dhow jidka Maka al-Mukarama, Muqdisho, ayaa waxaa ku dhimatay ilaa labo qof.

Ma jirto cid si deg deg ah u sheegatay masuuliyada qaraxaas, balse kooxda hubaysan ee al-Shabaab ayaa mar walba qaada qaraxyo iyo dilal lidi ku ah saraakiisha dowlada.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*