Wasiirka cusub ee maaliyada Puntland oo kormeer ku sameeyay ciidamada Puntland ee ku sugan gobolka Sool

(Bidix) Wasiirka maaliyada Puntland Cabdullaahi Siciid Caarshe. (Midig) Taliyaha ciidamada Danab ee Puntland Kornayl Jimcaale Jaamac Takar. [Xigashada Sawirka: Puntlandi]
Garoowe-(Puntland Mirror) Wasiirka cusub ee maaliyada Puntland Cabdullaahi Siciid Caarshe ayaa maanta oo Jimce ah soo kormeeray saldhigyada ciidamada Puntland ee gobolka Sool iyo kastamka canshuuraha Tukaraq.

Wasiir Caarshe ayaa kulan la yeeshay saraakiisha ciidamada, masuuliyiinta Tukaraq iyo saraakiisha kastamka canshuuraha.

Caarshe ayaa balanqaaday in ay ciidamada siin doonaan xuquuqdooda sida mushahaarka.

“Shacabku waxa ay ku seexdaan waa ciidamada, waxaan balanqaadaynaa in aan siino mushahaarkooda iyo xaqa ay leeyihiin,” ayuu yiri wasiirka maaliyada.

Dhankooda, saraakiisha ciidamada ayaa wasiirka uga mahadceshay balanqaadkiisa iyo safarka uu ugu yimid.

Asbuucii hore, Puntland ayaa ciidamo geysay deegaano kuyaala gobolka Sool isku day ah sidii looga hortagi lahaa in maamulka Somaliland ay sanaadiikhda cod bixinta geyso deegaanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*