Wasiirka cusub caafimaadka dowlada federaalka Soomaaliya oo xilka la wareegay

Wasiiradii hore wasaarada caafimaadka DF Soomaaliya Xaaawo Xasan Maxamed oo xilka ku wareejinaysa wasiirka cusub caafimaadka Maxamed Xaaji Cabdinuur. Sawirka: Radio Muqdisho.

 

Muqdisho-(Puntland Mirror) Wasiiradii hore caafimaadka dowlada federaalka Soomaaliya Xaawo Xasan Maxamed ayaa maanta oo Axad ah si rasmiya xilka ugu wareejisay wasiirka cusub ee caafimaadka Maxamed Xaaji Cabdinuur.

Munaasabada xil wareejinta oo ka dhacday xafiiska Raysulwasaaraha Soomaaliya ee Muqdisho ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka cadaalada Soomaaliya Cabdulaahi Axmed Jaamac (Ilko-jiir) oo ah kusimaha Raysulwasaaraha.

Wasiir ilko-jiir oo ka hadlay munaasabada xilwareejinta ayaa bogaadiyay wasiiradii hore ee caafimaadka shaqadii ay soo qabatay intii ay ahayd wasiirka, sidoo kalena wuxuu kula dardaarmay wasiirka cusub inuu shaqada halkeeda kasii wado daacadnimana uu ugu adeego dalka.

Wasiiradii hore caafimaadka Xaawo Xasan Maxamed iyo wasiiradii kale ee waxbarashada ayaa RW Cumar Cabdirashiid Cali dhawaan shaqada ka cayrshay.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*