Wasiirka cadaalada iyo diinta & awqaafta Puntland oo iclaamiyay salaad roob-doon ah iyadoo ay jiraan abaaro baahsan

Wasiirka cadaalada diinta iyo awqaafta ee Puntland, Saalax Xabeeb Jaamac. Sawirka: Puntland Mirror.

Garoowe-(Puntland Mirror) Wasiirka cadaalada iyo arrimaha diinta ayaa dhamaan shacabka Puntland ugu baaqay in ay oogaan Salaada roob-doonta maalinta Isniinta ee soo socota.

Isaga oo la hadlayay saxaafada maxaliga ah wasiir Saalax Xabeeb Jaamac ayaa ugu baaqay bulshada Puntland in ay isugu soo baxaan cafis weydiisashada Rabi ayna oogaan salaada roob-doonta.

Ku dhawaaqida wasiirka ayaa imaanaysa iyadoo ay abaaro baahsan ka jiraan gobolada Puntland.

Xilli roobaadka Dayrta ee ugu yar Soomaaliya ayaa la filayaa inuu da’o inta u dhaxaysa bisha Oktoobar iyo November.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*