Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo yimid Garoowe

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo yimid Garoowe. [Sawirka: Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada]
Garoowe-(Puntland Mirror) Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa maanta oo Jimce ah magaalada Garoowe ku yimid safarkiisii kowaad tan iyo markii uu qabtay xafiiska bilowgii bishii April ee sanadkan.

Juxa ayaa waxaa duleedka Garoowe ku soo dhaweeyay wasiiro katirsan Puntland oo ay kamidyihiin Wasiirka Amniga Cabdi Xirsi Cali Qarjab iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Cilmi Cusmaan.

Boqolaal dadka reer Garoowe ah oo ruxaya calamo ayaa tagay goobta si ay u soo dhaweeyaan Wasiirka Arrimaha Gudaha.

Inta uu ku guda jiro safarkiisa Puntland, Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa la filayaa in uu la kulmo masuuliyiinta sare ee Puntland iyo bulshada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*