Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo safar ku tagi doona magaalada Beled Xaawo

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid Juxa. [Xigashada Sawirka: SONNA]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa asbuucaan safar ku tagi doona magaalada Beled Xaawo ee gobolka Gedo, sida ay ku warantay wakaalada wararka dowladda ee SONNA maanta oo Isniin ah.

Inta uu safarkiisa ku joogo Beled Xaawo, wasiirka ayaa la filayaa in uu la kulmo dadka deegaanka, sida ay sheegtay SONNA.

Safarka Juxa ayaa imaanaya iyada oo ay jirto xiisad u dhaxeysa dadka deegaanka Beled Xaawo iyo Kenya oo ku aadan dhismaha derbiga, kaasoo ay Kenya rabto in ay ka dhisto xadka ay la wadaagto Soomaaliya.

Asbuucyadii lasoo dhaafay, dadka deegaanka Beled Xaawo ayaa ka mudaharaadayay dhismaha derbiga Kenya, iyaga oo ku eedeeyay in Kenya ay kusoo xad gudubtay dhulkooda.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*