Wasiirka arrimaha gudaha DFS oo sheegay kahor doorashada dalka in lasoo gabagabayn doono dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shebeellaha Dhexe

Odowaa
Wasiirka arrimaha gudaha dowlada federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Odowaa. Sawirka: Radio Muqdisho.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Wasiirka arrimaha gudaha dowlada federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa), ayaa ka hadlay dhismaha maamulka gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Wasiirka oo la hadlay warbaahinta afka dowlada ku hadasha ayaa sheegay in dowlada federaalka Soomaaliya ay ku hanweyntahay dhismaha dowlad goboleedka labada maamul, dhawaana lasoo gabagabayn doono kahor doorashada guud ee dalka.

“Wali waxaanu mashquul ku nahay dhismaha maamul goboleedka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, dowlada federaalka Soomaaliya waxay ahmiyad siinaysaa dhismaha maamulkan, waxaan ku rajo weynahay in dhawaan lasoo gabagabeeyo inta ka horaysa doorashadda qaranka,” ayuu yiri Odowaa.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in wasaaradiisu ay agaasimi doonto kulanka siyaasiyiinta iyo odayaasha kaso jeeda labadan gobol si looga doodo dhismaha maamul goboleedkan.

Uga dambayna dhismaha maamul goboleedkan ayaa soo jiidamayay ilaa iyo bilowgii sanadkan, shirka dhismaha maamul goboleedka ayaa muddo badan ka furnaa magaalada Jowhar balse wax natiijo ah wali lagama gaarin.

Qaybo kamid ah odayaasha dhaqanka ugu tunka weyn gobolka Hiiraan ayaa qaadacay ka qaybgalka shirka, iyagoo dowlada federaalka ku eedeeyay in ay faragelin ku samaysay hanaanka shirka lagu dhisayo maamul goboleedka.

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa dhowr jeer oo hore arrimo la xiriira dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe u tagay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan si uu ula kulmo odayaasha dhaqanka, balse wax natiijo ah kama soo bixin kulamadii uu madaxweynaha la yeeshay odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*