Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya oo sheegay in uu aad uga xunyahay amarka dadka Soomaaliyeed looga mamnuucayo in ay galaan gudaha dalka Mareykanka

Wasiirka arrimaha dibada dowladda federaalka Soomaaliya Cabdisalaam Hadliye Cumar. [Sawirka: Archive]
Wasiirka arrimaha dibada dowladda federaalka Soomaaliya Cabdisalaam Hadliye Cumar. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Wasiirka arrimaha dibada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in uu aad uga xunyahay amarka dadka Soomaaliyeed looga mamnuucayo in ay galaan gudaha dalka Mareykanka waxaana uu rajo ka muujiyay in masuuliyiinta Mareykanka ay dib uga fakeraan siyaasadaas.

Wareysi uu siiyay laanta Af-Soomaaliga VOA shalay oo Isniin ahayd, Cabdisalaam Hadliye Cumar ayaa muujiyay in uu ka xunyahay mamnuucidaas, isaga oo sheegay in Soomaaliya hada ay u bilaabmatay in ay dib uga soo kabato sanado qalalaase iyo xasilooni daro ah.

“Soomaalida kunool Mareykanka waa ay shaqaystaan, waxay ku jiraan ganacsiga yar-yar sidoo kalena waxay la dagaalamaan argagixisada,” ayuu yiri wasiirku. “waanu ka xunahay in iyaga farta lagu fiiqo.” Ayuu ku daray.

Wasiirka arrimaha dibada ayaa sheegay in uu filayo in Mareykanku uu qaadi doono “dib u eegid dhaqso ah” oo ku aadan amarka sharci fulinta ah, kaasoo si kumeel gaar ah u mamnuucaya dadka ka imaanaya todobo dal oo u badan Bariga Dhexe iyo Afrika.

“Qof walba oo jooga gudaha Mareykanka waxa uu ka yimid meel kale,” ayuu yiri Hadliye. “Waxaanu ka xunahay amarkan balse dal walba xaq buu u leeyahay in uu sameysto sharci ku saabsan soo galoototiga.” Ayuu ku daray.

Wasiirka oo la weydiiyay haddii dowladda Soomaaliya ay qaadi doonto jawaab celin ku aadan amarka Trump, waxa uu Mr Hadliye sheegay in golaha wasiiradda Soomaaliya ay kawadahadli doonaan arrintaas ayna go’aan ka gaari doonaan.

Amarkan oo madaxweynaha cusub ee Mareykanka Donald Trump uu saxiixay asbuucii lasoo dhaafay ayaa saameeyay Soomaali badan oo haysta fiisooyin iyo green cards, kuwaasoo lagu xanibay garoomada diyaaradaha.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*