Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya oo Qaramada Midoobay ka dalbaday in cunoqabateynta hubka laga qaado

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo khudbad ka jeedinaya Qaramada Midoobay. [Xigashada Sawirka: UN Photo/Cia Pak]
New York-(Puntland Mirror) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa codsatay in laga qaado cunoqabateynta hubka.

Khudbad uu ka jeediyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in maleeshiyada ay la dagaalamayaan ay heystaan hub kooda lamid ah.

“Cunaqabateyntaan waxay jirtay wakhti dheer, waa mida keenaysa in aan iska xoog la egaano dagaalka aan kula jirno argagixisada. Marka ciidamadayadu hubka ay heystaan uu lamidyahay kan cadowga aan dagaalka kula jirno, suurtagalnimadu waa mid kala jaban. Ku xooganaanta awooda dagaalku waxay noo ogolaanaysaa in aan gacanta sare anagu yeelano, waxayna gabi ahaanba soo afjari lahayd xagjiriinta, iyadoo laga yaabo in ay qaadan lahayd wakhti kooban,” ayuu khudbadiisa ku sheegay Wasiir Cawad.

Soomaaliya ayaa la saaray cunoqabateynta hubka sanadkii 1992 markaas oo dalku uu galay dagaal sokeeye.

Dhowr jeer oo hore ayaa maamulkan Madaxweyne Farmaajo iyo kii ka horeeyay ee Xasan Shiikh shirar caalami ah ka dalbadeen in dalka laga qaado cunoqabateynta hubka.

Bulshada caalamka ayaa walaac ka qabta in Al-Shabaab ay heli karto hubka haddii cunoqabateynta hubka la qaado.

Hub fudud oo ay la haayeen ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu arkay maleeshiyada Al-Shabaab, waxaana la sheegay in qaar katirsan ciidanka ay hubka ka iibsadaan maleeshiyada, amaba ay maleeshiyadu boobaan hubka ciidamada marka ay qabsadaan xeryaha.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo fadhigeedu yahay Muqdisho ayaan weli ku guuleysan in ay ka adkaadaan Al-Shabaab, oo weli awooda in ay weeraro qorsheysan iyo qaraxyo ka geysato gudaha Muqdisho, sidoo kalena maamusha deegaano badan oo kuyaala koonfurta dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*