Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya oo kulan kula yeeshay Nairobi dhiggiisa Kenya

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo Wasiiradda Arrimaha Dibada Kenya Raychelle Omamo. [Isha Sawirka: Wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaaliya]
Nairobi-(Puntland Mirror) Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa Arbacadii kulan kula yeeshay magaalada Nairobi dhiggiisa Kenya Raychelle Omamo.

Labada masuul ayaa ka wadahadlay sidii loo yarayn lahaa wixii khilaaf ah ee jira, loona sii xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya labada dal, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibada Soomaaliya.

Kulanka ayaa daba socday Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya oo wadahadal asbuucii hore ku yeeshay khadka taleefoonka.

Axadii, Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya Fred Matiang’I oo safar ku yimid Muqdisho ayaa kulan la yeeshay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana uu u gudbiyay martiqaad uu madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata ka siday oo ah in Farmaajo uu Nairobi booqasho ku tago.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa khilaafkoodu meel sare gaaray kadib sanadkii 2019 markii Kenya ay ku eedaysay Soomaaliya in ay beec geynta goobaha shidaalka ku dartay xeebta labada dal ku muransanyihiin, balse Soomaaliya waa diiday eedaas.

Labada dal ee dariska ah waxay sheeganayaan lahaanshaha 150,000 kiilomitir oo labo jibaar ah oo kuyaala xeebta Badweynta Hindiya, halkaas oo la sheegay in ay qani ku tahay saliid, gaas iyo kaluunka tuna.

Maxkamada Caalamiga ah ee ICJ ayaa bisha June ee sanadkan 2020 bilaabi doonta dhagaysiga kiiska muranka badda, oo la filayo in uu noqdo kii ugu dambeeyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*