Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya oo gaaray xerada qaxootiga Dhadhaab

Muqdisho-(Puntland Mirror) Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Cabdisalaan Hadliye Cumar ayaa maanta gaaray xerada qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kiinya.

Wefdiga ayaa hordhac u ah Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo la filayo inuu maanta halkaas gaaro.

Sidoo kale waxaa Dhadhaab gaaray wefdi  ka socda Kiinya oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Kiinya.

Dowlada Kiinya ayaa dhawaan sheegtay in ay xiri doondo xeryaha qaxootiga ee ku yaala dalkaas halkaas oo ay ku jiraan ilaa iyo 300,000 qof oo Soomaali ah.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*