Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya oo beeniyay in ay jiraan wada-xaajood u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya oo ku saabsan muranka badda

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad. [Sawirka]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya ayaa sheegay in aysan jirin wax wada-xaajood ah oo ku saabsan muranka badda oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

“Kiiska dacwadda badda ee inaga dhexeeya Kenya, waxa uu inoo joogaa maxkamadda caalamiga ah ee Hegue, waxaan idiin xaqiijinayaa in aanu jirin wax intaas ka badalan oo Kenya na dhex maray,” ayuu warbaahinta dowladda u sheegay Axmed Ciise Cawad.

Maalmihii lasoo dhaafay, Wasiiradda Arrimaha Dibada Kenya Monica Juma ayaa sheegtay in ay jiraan wadahadal u dhaxeeya labada dal oo ku saabsan arrinta muranka badda.

2016-kii, Maxkamada Caalamiga ah ee Cadaalada ICJ ee kutaala magaalada Hague ayaa dhageysatay dacwada muranka badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Ilaa iyo hadda waxaa la sugayaa xukunka maxkamada, oo laga yaabo in ay qaadato dhowr sanno.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*