Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya: Anagu dhex-dhexaad baanu ka nahay khilaafka u dhaxeeya dowladdaha Khaliijka

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar. [Xigashada Sawirka: Anadolu]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa sheegay in Soomaaliya aysan ku qanacsanayn khilaafka siyaasadeed ee ka dhex qarxay dowladdaha Khaliijka dhawaan.

Wareysi gaar ah oo ay magaalada Ankara kula yeelatay wakaalada wararka Turkiga ee Anadolu Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya ayaa sheegay in dhammaan dowladdaha khilaafku ka dhaxeeyo ay saaxiib la yihiin Soomaaliya.

“Sucuudi Caraabiya, Isutaga Imaaraatka Carabta, Baxrayn, Qatar iyo Soomaaliya, dhammaantood  dalalkan waxay xubno ka yihiin Jaamacada Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka,” ayuu yiri Yuusf Garaad.

“Dowladahan, waxay xiriir taariikhi ah la leeyihiin Soomaaliya, gaar ahaan ilaa iyo dalkayagu xornimada qaatay,” ayuu ku daray.

Yuusf Garaad ayaa sheegay in Soomaaliya ay kaalin dhexdhexaad ah ka qaadatay arrinta khilaafka.

“Kuma aanu qanacsanin muranka diblomaasiyadeed. Anagu dhex-dhexaad baanu ka nahay arrinta. Waxaan sheegaynaa in arrinta lagu xaliyo wadahadal. Taasi waa sida aanu ka qabno arrinta.” Ayuu carabka ku adkeeyay.

Bilowgii bishaan, Sucuudi Caraabiya, Masar, Baxrayn, Yemen iyo Isutaga Imaaraatka Carabta ayaa xiriirka diblomaasiyadeed u jaray Qatar, iyaga oo ku eedeeyay in ay taageerto ururo argagixiso oo ka jira gobolka, balse Qatar waa ay diiday eedaymahaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*