Wasiirka arrimaha dibada DFS oo waraaqaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay safiirka cusub ee Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya

IMG_1591
Wasiirka arrimaha dibada DFS oo salaamaya safiirka cusub ee Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya. Sawirka: Radio Muqdisho.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Safiirka cusub ee Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya, Stephen M. Schwartz, ayaa maanta oo Talaado ah waraaqihiisa aqoonsiga safiirnimo u gudbiyay wasiirka arrimaha dibada dowlada federaalka Soomaaliya, Cabdisalaam Cumar Hadliye.

Safiir Schwartz oo hadlay kadib markii waraaqaha aqoonsiga uu wasiirka ka guddoomay ayaa sheegay in soo magacaabidiisa safiirnimada Soomaaliya ay tahay calaamad muujinaysa xiriirka u dhaxeeya labada dal, wuxuuna intaas ku daray inuu ku faraxsanyahay in loosoo magacaabo safiir si uu uga caawiyo dadka Soomaaliyeed dhismaha nabadgalyada dalka iyo dimuqraadiyada.

Madaxweyne Barrack Obama ayaa dhawaan Stephen M. Schwartz, u soo magacaabay safiirka dalka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya 25-sanno kadib.

Maraykanka ayaa dowlada federaalka Soomaaliya si rasmiya u aqoonsaday sanadkii 2012-kii, kadib 20-sanno in ka badan oo ay dagaalo sokeeye dalka ka dhacayeen.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*